Friday, 15 December 2017
Home / Somali News / Gudoomiye Jawaari oo xaalka ku xun yahay iyo Xildhibaanada Mooshinka ka wada oo sii kordhaya

Gudoomiye Jawaari oo xaalka ku xun yahay iyo Xildhibaanada Mooshinka ka wada oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari , waxaana xaalka hada uu kusii xumaanaya Gudoomiye Jawaari.

Sida aan Wararka ku helnay ku dhawaad 100-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saxiixay Mooshinka laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxaa sidoo kale jira Xildhibaano kale oo iyana qorsheenaya in ay saxiixaan Mooshinkan.

Xildhibaanada wada Mooshinka ayaa maalmahan kulamo kala gooni gooni ah ku lahaa Hoteelada magaalada Muqdisho, waxaana Xildhibaanada dadaal badan ku bixinayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada wajahaya Mucaaradad badan oo kaga imaanaya Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Digil iyo Mirifle iyo Xildhibaano kale oo kasoo jeeda beelaha kale kuwaa oo isku baheestay in ay meesha ka saaraan.

Jawaari ayaa bilaabay olole uu ku doonayo in uu kala fur furo Xildhibaanada kasoo horjeeda, waxa uuna Xildhibaanada qaarkood siyaabo gooni gooni ah ugu wacay xafiiskiisa isagoo ka codsanayay in ay ka laabtaan Mooshinka.

Mooshinkan laga wado Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hada sii xoogeesanaya, waxaana suurto gal ah in Mooshinkan gadaal ka riixdo Madaxtooyada sidaasna meesha uga Baxo Jawaari.

About cowke

Check Also

Madaxweyne Trump oo sheegay Kuuriyada Woqooyi inay taageerto argagixisada

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera …