Friday, 15 December 2017
Home / Somali News / Daawo: Qatar Oo Heshay Badalkii Sacuudiga Iyo Imaaraatka.

Daawo: Qatar Oo Heshay Badalkii Sacuudiga Iyo Imaaraatka.

Dalka Qatar ayaa ka maarmay ganacsigii xooganaa ee uu ka heli jiray dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shabakad dhaqaalaha ka faalooda oo lagu magacaabo Bloomberg.

Warbixinta shabakaddaan ayaa sheegtay in cuna qabateynta dalalka afarta ah ay saareen Qatar inaysan wax saameyn ah ku yeelan isla markaana agabkii dhismaha Qatar ugu baahneyd garoomada sideeda ah ee ay u dhiseyso marta gelinta koobka adduunka 2020.

Shabakadda Bloonberg ayaa sheegtay in agabkii biraha shubka ee garoomada oo horay ugu heli jirtay dalalka Sacuudiga ay haataan ka hesho Malaysia, halka agabkii kale ee Imaaraadka usoo mari jiray haatan ka hesho saldanada Cumaan.

Sidoo kale, dalka Shiinaha ayaa hadda laga soo daabulaa daraasiin alaabta dhismaha ah, taasoo Qatar hadda u isticmaasho dhismaha garoomada ciyaaraha adduunka 2020 lagu balansan yahay.

Dowladda Qatar ayaa dhismayaasha garoomada cusub waxay u qorsheysay 200 bilyan, iyadoo dekaddaha Cumaan ay buux dhaafiyeen qalabka dhismaha ee Qatar soo iibsatay.

Sidoo kale, Qatar ayaa 35 bilyan dollar u qorsheysay dhismaha jidadka tareemada oo qaadi kara 200 kun oo qof.

Tallaabadaan ay Qatar ugu maarantay suuqii dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa marka xaqiiqda la eego dhabar jab ku ah dhaqaalaha dalalkaasi kasoo geli jiray Qatar.

About cowke

Check Also

Madaxweyne Trump oo sheegay Kuuriyada Woqooyi inay taageerto argagixisada

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera …