Friday, 15 December 2017
Home / Somali News / AKHRISO: Qeybtii ugu horeysay Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirneyd dalka India oo la xukumay.

AKHRISO: Qeybtii ugu horeysay Maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku xirneyd dalka India oo la xukumay.

Illaa 15 Maxbuus oo ka mid ahaa 118-ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India ayaa xukun maxkamadeed lagu riday.

Maxaabiistan oo maanta Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah iyo Ganaax aan badneyn.

Waxay hore u xirnaayeen min 6 sano iyo bar. Markaa xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay inay xabsigooda ka harsan tahay 6 bilood oo xarig ah.

Heshiiska shalay ay galeen Soomaaliya iyo India wuxuu qorayaa inaan maxaabbiista xabsigooda ay ka hartay 6 bilood wax ka yar aanu saameyneyn heshiiska.

“Aniga iyo wafdigeyga iyo safaaradda oo kaashaneyna Qareenka maxaabbiista oo ay dhalashadiisu Indian tahay, waxaan ka shaqeyneynaa tabtii ay ku suurta geli lahayd in 15-kan maxbuus ay ka mid noqdaan kuwa dalka lagu soo celin doono” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda Somalia Yuusuf Garaad Cumar oo haatan booqanaya dalkaas.

Kooxda xigta ee Maxaabbiista ah waxaa xukunku ku dhici doonaa maalinta Sabtida ah, iyadoo ka dib loo soo wareejin doono Soomaaliya oo xabsigooda ay ku dhameysan doonaan.

About cowke

Check Also

Madaxweyne Trump oo sheegay Kuuriyada Woqooyi inay taageerto argagixisada

Madaxweyne Trump ayaa shaaciyey in Maraykanku mar labaad ku darayo Kuuriyada Woqooyi liiska dawladaha taageera …